Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay inay ka go’an tahay inay shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom kala shaqeyso la tacaalidda falalka khiyaannada ah ee kenyaanka looga dhaco hantidooda.
Tani ayaa timid ka dib markii uu shalay agaasimaha DCI-da, Maxamad Aamiin uu xafiiskiisa ku qaabilay maareeyaal sare oo ka tirsan Safaricom.
Waaxda ayaa hoosta ka xarriiqday inay diyaar u tahay inay si buuxda gacan uga gaysato baaritaannada ku aaddan farsamooyinka iyo xeeladaha wax isdaba marinta ee loo adeegsado taleefoonnada gacanta iyo agabka kale ee isgaarsiinta.
— DCI KENYA (@DCI_Kenya) June 21, 2023