DCI oo ka jawaabtay eedeyn uu u jeediyay senatarka Busia

0
200

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa bayaan ay soo saartay waxay uga jawaabtay hadal uu shalay jeediyay senatarka ismaamulka Busia Okiya Omtatah.
Senatarka ayaa shir jaraaid oo uu qabtay ka sheegay in maalinkii Talaadada ee la afduubanayay Mr. Gideon Kibet oo ay xilligaasi kulmeen , afaafka hore ee xafiiskiisa uu ku arkay baabuur cad oo nooca Subaru ah.
Waxaa uu ku andacooday in gaarigaasi ay adeegsanayeen saraakiisha dambi baarista oo dabagal ku hayay dhaqdhaqaaqa Kibet oo ka mid ah dhallinyaradii dhawaan la waayay.
Hasa ahaate , waaxda DCI-da ayaa bayaankeeda ku xustay in arrintan uu sheegay senatarka Busia ay tahay mid culus oo aan la fududeysan karin.
Waxay waaxdu dhanka kale caddeysay in saraakiisheeda aynan baabuurkaasi lahayn oo aynan adeegsan.
Eedeynta ka timid Okiya Omtatah ayay laanta dambi baarista ee waddanka ku tilmaantay mid keliya aan sal iyo raad lahayn balse sii kicinaysa xiisadda arrin la baaraya.
Waaxda dambi baarista ee DCI-da ayaa intaasi ku dartay in ay taliyaha guud ee ciidanka booliiska Douglas Kanja ku waafaqsan tahay in howlgallada amniga ay yihiin kuwo loo fuliyo qaab waafaqsan xeerarka dastuuriga ah.
Bayaanka waxaa ku xusan in waaxdan ay dadweynaha u xaqiijinaysa in marnaba aynan u dulqaadan karin dilalka sharci darrada ah.
Waxaa dadweynaha lagula taliyay in cidii haysa macluumaad ku saabsan afduubyada laga soo tabiyay gudaha waddanka in ay si dhow ula shaqeyso laamaha ammaanka ee ku howlan baaritaannada .