Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da qaybteeda qaabilsan badbaadinta carruurta ayaa fashilisay qorsho ku aadanaa in ubad la xado.
Waaxdan ayaa sheegtay in ugu dambeyn gacanta lagu soo dhigay haweeney tuhmane ah oo isku dayeysay in aan la soo qaban.
DCI ayaa intaasi ku dartay in la soo badbaadiyay labo canug.
6-dii bishii Lixaad ee sanadkan ayay ahayd markii laamaha ammaanka ee ismaamulka Kakamega ee galbeedka dalka loo gudbiyay warbixin ku aaddanayd in canug la xaday.