Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa maxkamadda ka codsatay inay u oggolaato in muddo 14 cishe ah xabsiga lagu sii hayo shakhsiyaad ku eedeysan inay burbur hantiyadeed ka gaysteen magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru.
Tuhmanayaasha oo gaaraya 17 ayaa maraya baaritaano dheeraad ah.
Laamaha ammaanka ayaa garsoore Gilbert Shikwe u sheegay in eedeysanayaasha la qabtay 1-dii bishan sidaasi awgeedna aan weli la soo gabagabeyn baaritaannada ka dhanka ah.
DCI ayaa ku dadaalaysa in la ogaado sababta eedeysanayaasha ku qasabtay in ay burburiyaan gidaar.
Maxkamadda ayaa lagu wargeliyay in dhacdadaasi ka dib ay dad careysan tageen saldhigga booliiska ee Naivasha oo tuhmanayaasha lagu hayay .
Booliiska ayaa xusay inay aaminsan yihiin in dadkaasi ay doonayeen inay tuhmanayaasha ka takhalusaan.
Hasa ahaate waxaa eedeysanayaasha markii dambe loo soo wareejiyay saldhigga booliiska ee Kongoni ka hor inta aan loo soo qaadin Nairobi.
Hasa ahaate qareenka matalaya eedeysanayaasha oo lagu magacaabo Mbugua Mureithi ayaa ka soo horjeestay codsiga ah in shakhsiyaadkan xabsiga ay ku sii jiraan .
Maxkamadda ayaa la filayaa inay maanta arrinkan go’aan ka soo saarto.