DCI oo digniin ka soo saartay falal dhac ah oo lagu bartilmaameedsanaya takaasileyda

0
223

Waaxda dambi baarista wadanka ee DCI-da ayaa digniin gaar ah u dirtay wadayaasha takaasida.
Waxay sheegtay in ay soo kordheen falalka dhaca ee rabshadeysan ee lagu bartilmaameedsanaya darawaliintan.
Digniinta DCI-da waxaa ay ku saabsan tahay inay jiraan shakhsiyaad takaasida kireysanaya ilaa meelo fog ama meelo kala duwan oo dad laga qaadaya iyadoo macaamiishan ay iska dhigayaan maalqabeenno.
Balse xeellada ay adeegsanayaan ee ay DCI-da ogaatay ayaa ah in marka safarka lagu jiro ay shakhsiyaadhan isku beddelaan burcad.
Bayaanka waaxda dambi baarista dalka waxaa ku cad in dadkan ay xubno ka yihiin koox gaysata falal dambiyeedyada oo si aad ah u abaabulan.
Dhacdo arrinkan la xiriirta ayaa 14-kii bishan laga soo tabiyay deegaanka Gilgil ee ismaamulka Nakuru.