DCI oo dib u soo heshay in ka badan 240 taleefoon oo laga shakisan yahay in la soo xaday

0
245

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in howlgallo laga sameeyay caasimadda wadanka ee Nairobi lagu soo helay in ka badan 240 taleefoon iyo waxyaabo kale oo elektoroonigga ah oo la rumeysan yahay in la soo xaday.
Waxaa qalabkan ka mid ah kombiyuutarrada shakhsiyeed.
DCI ayaa sheegtay in howlgalkan la sameeyay 4-tii bishan Saddexaad wuxuuna yimid ka dib markii shacabka ay ka timid cabasho badan oo la xiriirta in taleefoono laga dhacay.
Waaxda ayaa intaasi ku dartay in la xiray ilaa 17 eedeysanayaal ah oo falalkan lala xiriirinaya.
DCI-da ayaa dhanka kale dadweynaha ku boorrisay inay aad uga taxadaraan iibsashada taleefoonnada iyo agabka kale ee elektoroonigga ee celiska ah si aynan ugu lug yeelan xatooyo la gaystay.