DCI oo codsatay xogta haweeney lala xiriirinaya dil nin loogu gaystay Nairobi

0
361

Waaxda dambi baarista dalka ee (DCI) ayaa dadweynaha ka codsatay in haddii ay hayaan ay la soo wadagaan macluumaadka ku saabsan haweeney eedeysane ah oo la arkay iyadoo ka baxsanaysa goob lagu dilay sii hayihii xilka agaasimaha maaliyadda ee isbitaalka Nairobi Hospital Eric Maigo.
Meydka ninkan oo 40 sano jir ahaa ayaa la helay iyadoo 25 mar toorri la geliyay xilli uu ku sugnaa gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Woodley Estate ee magaalada Nairobi.
DCI ayaa hadda faafisay muuqaalka ay duubtay kaameerada qarsoon ee CCTV-da oo laga dhex arkaya haweeney ka tagaysa hooyga ninka la dilay taasoo keentay in falkaasi lala xiriiriyo.
Dr. Erick Maigo ayaa la dilay 15-kii bishan Sagalaad waxayna dambi baarayaasha codsadeen in loo soo gudbiyo xog kasta oo fududeyn karta in haweeneydaasi gacanta lagu soo dhigo.

https://x.com/DCI_Kenya/status/1704869121303691350?s=20