Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa waddo baaritaano ku aaddan geerida haweeney ka soo dhacday dabaqa 10-aad ee dhisme ku yaalla deegaanka Kasarani ee ismaamulka Nairobi.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay aagga loo yaqaano Thome.
Saraakiisha dambi baarista oo goobta tagay ayaa uruurinaya caddeymo iyagoo wareysanaya goobjoogayaal.
Sidoo kale dambi baarayaasha ayaa su’aallo waydiiyay maamulka dhismahaasi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in nin ay wada joogeen haweeneydan lagu arkay dhaawacyo ka soo gaaray siddeed mar oo la tooriyeeyay.