Waaxda dambi baarista wadanka ee DCI-da ayaa billowday baaritaano lagu xaqiijinaya eedeyn ka timid madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio Raila Odinga oo ahayd in lagu shubtay natiijada doorashadii guud ee sanadkii hore.
Agaasimaha waaxdan , Aamiin Maxamad ayaa sheegay in la soo gudbiyay cabasho ah in wax isdaba marin lagu sameeyay qaar ka mid ah foomamka 34B ee deegaan baarlamaneedyada.
Warqad uu u qoray madaxa fulinta ee guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC , Xuseen Marjaan ayuu ku sheegay inay jiraan dokumeentiyo la faafiyay oo loo tiirinaya guddiga.
Agaasimaha ayaa intaasi ku daray in waaxda DCI ay wado baaritaano lagu hubinaya in dokumeentiyadan ay sax yihiin iyo in kale.
Sidoo kale waxay waaxdu eegaysa in la gaystay dembiyo ku aaddan in wax laga beddelay macluumaadka foomamka.
DCI ayaa guddiga doorashooyinka ka codsatay inuu la wadaago nuqullada rasmiga ee foomamka 34B ee loo adeegsaday ku dhawaaqidda natiijadii madaxtinnimo.
Aamiin Maxamad ayaa xusay in cidii lagu helo inay dembigan sameysay laga qaadi doono tallaabo sharciyeed.
Dhawaan ayay ahayd markii xoghayaha guud ee xisbiga Jubilee Jeremiah Kioni uu sheegay in Raila Odinga uu ku guulaystay doorashadii sanadkii hore isagoo helay codad gaaraya 8,170,355 , tiradan oo aan waafaqsanayn midii uu guddiga IEBC shaaciyay 15-kii bishii Siddeedaad ee sanadkii hore.