DCI-da oo baareyso fal shalay lagula kacay saraakiisha EACC

0
439

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa bilaawday baaritaan ku aadan fal gacan ka hadal ah oo shalay barqadii ka dhacay ismaamulka Trans Nzoia, halkaasi oo saraakiil ka tirsan gudiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa (EACC) laga hor istaagay xili ay fulinayeen howlgal sharci ah.
Saraakiisha EACC ayaa wadeen warqado baaritaan oo ay maxkamadda soo saartay taas oo qayb ka ah baaritaanka socda ee lagu hayo eedeymaha wax soo iibsiga aan caadiga ahayn iyo lacago been abuur ah oo dhan 1.4 bilyan oo ay bixisay dowladda ismaamulka Trans Nzoia.
Anshax xumada maaliyadeed ee lagu eedeeyay dowlad deegaanka ayaa dhacday sannad maaliyadeedka 2022/2023 iyo 2024/2025.
Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday hoyga iyo xafiiska barasaabka Trans Nzoia George Natembeya, iyo sidoo kale hanti ay leeyihiin afar qof oo kale oo ku lug lahaa baaritaanka.
Sida laga soo xigtay EACC, baaritaanka lagu sameeyay guriga gudoomiye Natembeya ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubnaha qoyskiisa, qareenka dowladda hoose ee Trans Nzoia iyo qareenka sharciga markii ay xaalada noqotay rabshado.
Koox aan heybtooda la garan ayaa lagu soo waramayaa in ay gudaha u galeen xarunta, waxaana ay ka awood badiyeen ciidamada ammaanka ee goobta ku sugnaa.
Kooxda weerarka soo qaaday ayaa burburisay 5 gaari oo ay wateen ciidamada EACC iyagoo sidoo kale xaday alaabo iyo agabyo kale oo qaali ah, taasi oo keentay in si hufan loo joojiyo howlgalka ka dhanka ah musuq maasuqa.
Hay’adaha ammaanka ayaa cambaareeyay weerarka oo ay ku tilmaameen mid ula kac ah oo la doonayay in lagu carqaladeeyo cadaaladda laguna wiiqo sareynta sharciga. DCI-da ayaa waxaa ay xaqiijisay inay ka go’an tahay inay si dhakhso ah u soo qabato oo ay u dacwayso kuwa mas’uulka ka ah.