Agaasinka dambi baarista ee dalka (DCI) ayaa bilaabay baaritaano ku saabsan xaaladihii ku xeernaa dilkii loooo gaystay John Maina oo ka soo jeeda degmada Igwamiti Parish,ee magaalada Nyahururu.
Wararku waxay tilmaamayaan in Maina uu ka qayb galay xaflad sannad guura ahayd oo ka dhacaysay kaniisada Katooliga Igwamiti .
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua oo ay weheliyaan siyaasiyiin kale ayaa ka qayb galay xafladaas.
Maina waxaa meydkiisa laga helay wadada weyn ee isku xirta Nakuru-Nairobi waxaana ka muuqday nabarro ka soo gaaray dhanka madaxa.
Ciidamada dambi baarista ayaa sheegay in baadirigaas lagu beegsaday deeg uu siiyay madaxweyne kuxigeenkii hore ee dalka Gachagua.
Laamaha ammaanka ayaa wacad ku maray in ay gacanta ku soo dhigi doonaan dambiilayaashi ka dambeeyay dilka baadiriga.