Ururka haweenka baarlamaanka Kenya ee KEWOPA ayaa dalbaday in tallaabo adag laga qaado barasaabka Isiolo Cabdi Guyo oo lagu eedeeyay in uu hadalo meel ka dhac ah u geystay Senator-ka ismaamulkaas Fatuma Dullo.
Iyadoo loo marayo bayaan la sii daayay Isniintii shalay ehed KEWOPA ayaa waxaa ay dalbatay in waaxda dambi baarista dalka (DCI) iyo Guddiga Qaran ee Wadajirka iyo Isdhexgalka (NCIC) ay ku sameeyaan baaritaan degdeg ah arrinta, iyagoo ku eedeeyay Guyo inuu sameeyay hadalo kicin iyo sumcad dil ah.
Iyagoo cambaareynaya hadaladii uu dhawaan sheegay Guyo, ayaa kooxda baarlamaanka waxaa ay ku tilmaantay hadalkiisa inuu ka tarjumayo dhacdooyinka joogtada ah ee takoorka ee ay la kulmaan haweenka hoggaanka.
Sida laga soo xigtay KEWOPA, tani maaha markii ugu horeysay ee Dullo ay kala kulanto hadalo sumcad dil ah barasaabka.
Waxaa ay xuseen in weeraradaasi ay u muuqdeen kuwo ka yimid barasaabka maadama senator-ka ay la xisaabtamtay Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka ee ku aadan qarashaadka iyo howlaha Gobolka.
Waxaa ay ugu baaqeen madaxda kale inay ixtiraamaan xuquuqda iyo xorriyaadka aasaasiga ah ee dhammaan muwaadiniinta, iyada oo aan loo eegin jinsiga.