Guddoomiye ku xigeenka xisbiga Jubilee David Murathe ayaa hoosta ka xarriiqay in tan iyo markii 16-kii bishan uu musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio Raila Odinga ku xigeenkiisa u magacaabay Martha Karua inay sare u kacday taageeradiisa siyaasadeed.
Wareysi gaar ah oo uu Murathe siiyay warbaahinta dowladda ee KBC ayuu ku sheegay in Karua ay taageero badan ka haysato dumarka oo dareemaya in xulashadeeda ay u furtay saaxadda siyaasadeed.
Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka Jubilee ayaa hoosta ka xarriiqay in xita haddii uu xilka madaxtinnimo u tartamo hoggaamiyaha Wiper Kalonzo Musyoka, isbeheysiga Azimio uu gobolka bartamaha wadanka ka soo hooyn doono ugu yaraan 4 milyan oo codad ah.
David Murathe ayaa xaqiijiyay in madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uunan Raila iyo Karua olole siyaasadeed uga sameyn doonin Mount Kenya .