Darawalkii waday dhakhaatiirtii Cuba oo ay Al-Shabaab ka afduubteen Mandera oo lagu helay dambi

0
1485

Waxaa maanta maxkamadda Milimani ee magaaalada Nairobi la soo taagay darawalkii hore ee dowladda ismaamulka Mandera Issaaq Ibrein Robow.
Waxaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta inuu fududeeyay afduub loo gaystay dhakhatiir u dhashay dalka Cuba oo bishii afaraaad ee sanadkii 2019-kii laga qafaashay dowlad deegaanka Mandera.
Marka laga soo tago afduubka dhakhaatiirta waxaa falkaasi lagu dilay askari lagu magacaabi jiray Mutundo Kitambo oo dhakhaatiirta ilaalo u ahaa.
Maxkamadda ayaa darawalka ku heshay dambi ah inuu gacan ka siiyay kooxdii afduubatay dhakhaatiirta, xilligaasi oo uu waday gaarigii ay howlwadeenada caafimaadka saarnaayeen.
Garsooraha maxkamadda ,Martha Nanzushi oo maanta go’aankan soo saartay ayaa sheegtay in Issaaq Ibrein Robow lagu helay dambi ah inuu ku lug lahaa afduubka dhakhaatiirta kala ah Dr Assel Herera Correa iyo Dr Landy Rodriguez.
Waxaa ay xustay in xeer ilaalinta dacwaddan u xil saarneyd ay caddeeyeen si aan shaki ku jirin in uu darawalka si firfircoon leh ugu lug lahaa fulinta fal argagixisanimo, afduub ,caawinta iyo taakulaynta fal argagixiso.
Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay in eedeysanaha uu isticmaalayay labo nambar oo uu kula xiriiri jiray kooxaha argagixisada.
Mr. Ibrein ayaa la sheegay in 12-kii bishii afaraad ee sanadkii 2019-ka uu dhakhaatiirta ku wareejiyay kooxaha argagixisada, xilli ay ku wajahnayeen isbitaalka wayn ee ismaamulka Mandera oo ay ka shaqeynayeen.
Labada dhakhtar oo u dhashay dalka Cuba oo kooxda Al-Shabaab afduubatay ayaa, muddo sannad ka badan lagu haystey gudaha dalka Soomaaliya, bishii Oktoobar ee sannadkii 2020-ka ayaa la soo sii daayay , ka dib wada hadallo socday dhowr bilood.
Dhakhaatiirta la afduubay ayaa ka mid ahaa 100 khabiir oo caafimaad oo ka soo jeeday Cuba islamarkaana Kenya soo gaaray bishii June ee sanadkii 2018-kii.
12-kii bishii Afaraad ee sanadkii 2019-kii ayay eedeysanaha ismaamulka Mandera ka soo qabteen ciidamada booliska ee qaabilsan la dagaalanka argagixisada ee (ATPU) waxaana labo cisho ka dib loo soo qaaday magaalada Nairobi si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo oo dacwad loogu soo oogo.
Maxkamadda Milimani ayaa dhanka kale waxba kama jiraan ka soo qaadday eedeyn ahayd in tuhmanaha uu si been abuur ah ku helay aqoonsiga wadanka.
Garsoore Nanzushi ayaa sheegtay in aan loo soo bandhigin caddeymo wax ku ool ah oo dacwaddaasi lagu xaqiijinaya.
Dhanka kale garsooraha maxkamadda Milimani ayaa amartay in eedeysanaha xabsiga lagu sii haayo, iyadoo 2-da bisha soo socoto go’aan la soo saari doono.