Darasaad:Raila wuxuu heli doonaa boqolkiiba 52 ee codadka doorashada guud

0
579

Ra’yi ururin ay sameysay xarunta horumarinta Afrika ayay ku saadaalisay in musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja -One Kenya ,Raila Odinga uu ku guuleysan doono xilka madaxtinimo ee doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan .
Cilmi baarista maanta la soo bandhigay waxaa ku cad in boqolkiiba 52 ee dadweynaha ku nool Kenya ay u codeyn doonaan Raila Odinga.
Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Kenya Kwanza William Ruto ayay boqolkiiba 45 ee dadweynaha codadkooda siin doonaan.
Musharraxa madaxweyne ee xisbiga Roots Party, George Wajackoyah ayaa la sadaaliyay inay u codeyn doonaan boqolkiiba 2.
Cilmi baarista ayaa waxaa sidoo kale ku cad in boqolkiiba 50 dadka Kenyaanka ah ay u codeyn doonaan isbeheysiga Azimio La Umoja -One Kenya halka Kenya Kwanza ay tahay 47 boqolkiiba.
Daraasaadkan cusub ayaa ku soo aadaya iyadoo doorashada guud ay inaga xigto keliya 10 maalmood.