Ra’yi uruurin dhawaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in barasaabka ismaamulka Meru Kawira Mwangaza , guddoomiyaha Homa Bay Gladys Wanga iyo dhigeedda Kwale Fatuma Achani ay ka mid yihiin guddoomiyaasha ay u badan tahay in dib loo soo doorto sanadka 2027-ka.
Waxaa sidoo kale liiska 10-ka barasaab ee ugu waxqabadka wanaagsan ku jiro guddoomiyaha ismaamulka Kakamega Fernandes Barasa,Irungu Kang’ata (Murang’a) , Johnson Sakaja(Nairobi), Wavinya Ndeti(Machakos) ,Patrick Ole Ntutu(Narok) ,Andrew Mwandime( Taita Taveta ) Hillary Barchok (Bomet) iyo George Natembeya (Trans Nzoia).
Waxaa lagu amaanay waxqabadkooda dhanka mashaariicda waddooyinka , suuqyada iyo biyaha.
Daraasaadka oo ay sameysay shirkadda Timely Kenya ayaa lagu eegayay maamulka dowlad deegaannada iyo horumarka tan iyo sanadkii 2013-kii.
Waxaa warbixinta lagu sheegay in boqolkiiba 76 ee 14,065 ruux oo ra’yi uruurintan ka qayb qaatay ay sheegeen in doorashada soo socoto ay u codeyn doonaan musharrax haweeney ah oo u tartamaysa xilka barasaabnimo.
Waxaa arrintan ka soo horjeestay boqolkiiba 20 ee dadkii su’aallaha la waydiiyay.
Boqolkiiba 2 ee dadweynaha ayaa sheegay in aynan hubin in ay dooran doonaan guddoomiye haweeney ah iyo in kale.
Dhanka kale , boqolkiiba 66 ee dadka ka qayb qaatay ra’yi uruurintan ayaa sheegay in nidaamka dowlad wadaajinta uu yahay mid wax ku ool ah.
Waxaa dareen kani ka duwan muujiyay boqolkiiba 32.
Sidoo kale , boqolkiiba 69 waxay sheegeen in loo baahan yahay in maamulka arrimaha caafimaadka dib loogu celiyo dowladda sare halka boqolkiiba 31 ay doonayaan in ismaamullada loo daayo maareynta howlaha caafimaadka.
Shirkadda Timely Kenya ayaa sheegtay in ay ra’yi uruurintan sameysay intii u dhexeysay 20-kii ilaa 31-dii bishii hore iyadoo la adeegsanaya wareysiyo dhanka taleefoonka ah.