Shirkadda darasaadka ee TIFA ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in musharraxa madaxweyne ee xisbiga ODM Raila Odinga uu taageero siyaasadeed oo badan ku leeyahay magaalada Nairobi marka loo barbardhigo madaxweyne ku xigeenka wadanka William Ruto.
Tageerada Raila ayay shirkaddu ku sheegtay boqolkiiba 41 halka tan Ruto ay tahay 31 boqolkiiba.
Sidoo kale madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayay taageeradiisa siyaasadeed ee ismaamulka Nairobi tahay boqolkiiba 2 .
Cilmi baarista TIFA waxaa ku cad in boqolkiiba 24 ee dadka lagu wareystay darasaadka aynan weli go’aansan musharraxa madaxweyne ee ay 9-ka bishan Siddeedaad ee sanadkan u codeyn doonaan.
Tom Wolf oo ka mid ah cilmi baarayaasha TIFA ayaa xusay in farqiga u dhexeya taageerada Raila iyo Ruto uunan aad u waynayn sidaas awgeedna ay micnaheedu tahay inay codadka shacabka Nairobi si baaxad leh ugu tartami doonaan.
Ismaamulka Busia afar meelood saddex meel oo u dhiganta boqolkiiba 76 waxay taageersan yihiin musharraxnimada Raila Odinga halka William Ruto uu haysto taageero dhan 12 boqolkiiba.
Siyaasiyiinta kala ah Musalia Mudavadi, Kalonzo Musyoka iyo Gideon Moi ayaa dhammaan shacabka Busia ka haysto garab dhan boqolkiiba hal.
Warbixinta waxaa ku cad in boqolkiiba 7 ee dadweynaha Busia aynan weli go’aansan halka ay ku biirinayaan codkooda.
Ismaamulka Murang’a ee gobolka bartamaha dalka waxaa dhanka taageerada siyaasadeed ku hoggaaminaya William Ruto oo haysto boqolkiiba 71 halka Raila Odinga ay taageerayaan 16 boqolkiiba.
Sidoo kale barasaabka ismaamulkaasi Mwangi Wa Iria oo ka mid ah musharraxiinta madaxweyne ayaa waxaa qorshihiisa la dhacsan boqolkiiba hal ee shacabka.