Darasaad lagu ogaaday in Kenya ay ku nool yihiin 8,500 oo milyanneera ah

0
898

Cilmi baaris ay sameysay shirkadda New World Wealth ayaa lagu ogaaday in maalqabeennada Kenyaanka ah ee ay hantidoodu kor u dhaafaysa hal milyan oo doolar una dhiganta 115.7 milyan oo shilin ay tiradoodu tahay 8,500 oo qof.
Kenya ayaa liiska qaaradda Afrika ka gashay nambarka afaraad.
Waxaa ka horreysa Koonfur Afrika oo tirada milyanneerada ku nool ay yihiin (39,300), Masar(16,900) iyo Nigeria (10,000).
Hasa ahaate ma jiro maalqabeen Kenyaan ah oo hantidiisu ay tahay balaayiin doolar in kastoo marka la eego waddamada Masar, Koonfur Afrika , Nigeria iyo Morocco tirada bilyaneerrada ay kala tahay (7), (5), (4), iyo (3).
Tanzania iyo Angola waxaa ku nool min hal maalqabeen oo hantidiisu lagu qiyaasay ballaayiin doolar.
Darasaadkii ugu dambeeyay ee lagu eegay hantida kenyaanka ayaa muujinayay in 3,323 qof ay hantidoodu ka badan tahay hal milyan oo doolarka Maraykanka ah.