Ra’yi uruurin ay dhawaan sameysay shirkadda darasaadka ee TIFA ayaa lagu ogaaday in dhanka waxqabadka uu wasiirrada dowladda dhexe ugu horreeyo wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindki.
Warbixinta waxaa ku cad in waxqabadka wasiirkan uu yahay boqolkiiba 34 .
TIFA ayaa hoosta ka xarriiqday in ugu yaraan saddex meelood hal meel ee Kenyaanka ay aaminsan yihiin in Kithure Kindiki uu ugu waxqabad fiican yahay wasiirrada kale.
Waxaa lambarka labaad soo galay wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Mr. Ezekiel Machogu oo dadaalkiisa lagu qiyaasay boqolkiiba 7 halka wasiiradda caafimaadka Susan Wafula Nakhumicha ay heshay boqolkiiba 6 marka la eego waxqabadkeeda.
Waxaa lambarka afaraad ee waxqabadka soo galay wasiirka cayaaraha Ababu Namwamba halka dhigiisa gaadiidka Kipchumba Murkomen uu liiska uga jiro lambarka shanaad.
Waxaa daraasaadkan oo la sameeyay intii u dhexeysay 24-kii June ilaa 30-kii bishii hore ka qayb qaatay 1,530 qof.
#TIFAPollsKe Best performing Cabinet Secretaries pic.twitter.com/tLcCmVgLXQ
— TifaResearch (@TifaResearch) July 13, 2023
The direction that Kenya is heading, achievements of Kenya Kwanza’s Government, failures of Kenya Kwanza’s Government, the overall performance rating of the Government in fulfilling its campaign promises, and best Performing Cabinet Secretary #TIFAKePoll pic.twitter.com/W3Knp43OWj
— TifaResearch (@TifaResearch) July 13, 2023




