Danstan Omari oo ah wakiilka wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha Dr.Fred Matiang’i ayaa warbaahinta u sheegay in mas’uulkan hore uunan wadanka iskaga cararin.
Waaxda socdaalka ee dalka ayaa sheegtay in Matiang’i uu dibadda u safray 19-kii bishii labaad ee sanadkan.
Hasa ahaate Omari ayaa laga soo xigtay in safarka wasiirkii hore ee arrimaha gudaha uu maalinkaasi ugu ambabaxay Ingiriiska uu yahay mid shakhsiyeed.
Waxaa uu qareenka intaasi ku daray in Matiang’i uu safarkiisa ku wargeliyay laamaha ammaanka maadaama uu qorsheeyay inuu Ingiriiska ku sugnaado labo toddobaad ka hor inta uunan soo laaban.
Qareenka ayaa meesha ka saaray tuhunka ah in wasiirkii hore uu baxsaday maadaama uu wajahaya baaritaano la xiriira howlgal la sheegay in laga fuliyay hooygiisa in kastoo booliiska ay taasi beeniyeen.
Omari ayaa laga soo xigtay in qofka uu matalaya uunan ka warqabin baaritaano isaga ka dhan ah oo ay wadaan waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da iyo guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC balse uu soo dhaweynaya tallaabo kasta oo ay qaadaan saraakiisha iyagoo gudanaya waajibaad dastuuri ah.