Saraakiisha Hay’adda Dembi Baarista (DCI) ayaa gacanta ku dhigay afar dembiilayaal oo jirdil u geysanayay dadka deggan xaafadda Kibera ee magaalada Nairobi.
Eedeysanayaasha ayaa lagu soo qabtay howlgal sirdoon oo ay fuliyeen saraakiil ka tirsan Saldhigga Boliska ee Kibera.
Sida ay sheegayaan DCI-da, kooxdan burcadda ah ayaa laga soo qabtay goobtii ay ku dhuumaaleysanayeen oo ku taalla aagga Layn-Saba, kaddib howlgal si heersare ah loo soo agaasimay.
Ciidamada dambi baarista waxaa ay raggaasi ka soo heleen hub, lix taleefoonnada casriga ah, laba laptops, iyo muraayad kamaro ee lo yaqaano Lens.
Eedeysanayaasha ayaa hadda xabsiga ku jira, waxaana ku socda baaritaan ka hor inta aan la soo taagin Maxkamadda.