Dalka Pakistan oo ay maanta doorashooyin ka dhacayaan

0
156

Waxaa maanta dalka Pakistan ka qabsoomaya doorashooyinka heer qaran iyo heer gobol.
In ka badan 128 milyan oo qof ayaa isku diiwaangeliyay ka qayb qaadashada codeynta.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo walaac laga muujinaya kalsoonida lagu qabi karo natiijada ka soo baxdo doorashada maadaama laga cabsi qabo in lagu shubto.
Pakistan ayaa wajahaysa xasillooni darro dhaqaale iyo jawi siyaasadeed oo waayihii dambe u muuqday mid bartilmaameedsanaya xisbiga ugu wayn mucaaradka Pakistan ee PTI iyo hoggaamiyahooda horayna u soo noqday Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Imran Khan.
Codeynta oo billaabatay abaare 8-dii subaxnimo ee saacadda Pakistan ayaa soo xirmi doonto 5-ta galabnimo.
Dadweynaha ayaa codadkooda ka dhiibanaya in ka badan 90,000 oo ah goobaha codbixinta.
Shalay ayay ahayd markii labo qarax oo ka dhacay Pakistan lagu dilay in ka badan 30 qof.
Muddo sanad ah waxaa rabshadooyinka ka taagan dalkaasi lagu dilay in ka badan 1,000 ruux.
Dhanka dhaqaalaha , sicir bararku wuxuu maraya boqolkiiba 30.
Marka la eego dhanka nolosha waxaa heerka ugu hooseeya ee saboolnimada ku jiro boqolkiiba 40 ee dadweynaha Pakistan oo ay tiradooda guud tahay in ka badan 245 milyan oo qof.