Dalal muwaadiniintooda ka daadgureynayo Israa’iil xilli dagaalka labada dhinac uu socdo

0
355

Iyadoo Qaza maalinkii saddexaad uu ka socda dagaalka u dhexeya ciidamada Israa’iil iyo dhaqdhaqaaqa Xamaas ee Falastiin ayaa dalal badan oo caalamka ah waxay isku dayayaan in dadkooda ay halkaa ka soo saaraan.
Romania, wasiirka arrimaha dibadda ee wadankaasi ayaa sheegay in boqollaal qof laga soo daadgureynayo gudaha Israa’iil.
Thailand ayaa dhankeeda sheegtay inay diyaarineyso gargaar degdeg ah oo loo fidinayo dadka ka jooga Israa’iil si halkaa looga soo daadguureeyo.
Kazakhstan, ayaa sidoo kale isku diyaarineysa inay soo daabusho muwaadiniinteeda halkaa ka jooga, sida ay sheegtay wasaaraddeeda arrimaha dibadda.
Poland ayaa saaka xaqiijisay in diyaaraddii ugu horreysay ee ka timid Israa’iil ay dib ugu soo laabatay dalkeeda, iyadoo ay saarnaayeen dad rayid ah.
Xafiiska arrimaha dibadda ee boqortooyada Ingiriiska ayaa ka digay dhammaan safarrada aan muhiimka ahayn ee loo aadayo Israa’iil.