Guddiga arrimaha dalxiiska ee dalka ee KTB ayaa sheegay in 6-dii bilood ee ugu horreysay sanadkan 2024-ka ay Kenya diiwaangelisay dakhli dhan 142.5 bilyan oo shilin
Tani ayaa u dhiganta kobac ah boqolkiiba 21.3 marka loo barbardhigo muddadan oo kale sanadkii hore.
Madaxa fulinta ee guddiga dalxiiska dalka ee KTB , June Chepkemei ayaa laga soo xigtay in intii u dhexeysay bishii Koowaad ilaa bishii Lixaad ee sanadkan ay waddanka yimaadeen 1,027,630 oo dalxiisayaal caalami ah.
Tiradan ayaa sanadkii 2023-kii , muddadan oo kale ahayd 847,810 dalxiisayaal ah.
Arrintan ayay June ka sheegtay socdaal ay ku tagtay goobta loo dalxiis tago ee Maasai Mara oo ay xustay in hadda ay buuxsantay.
Waxay intaasi ku dartay in ay rajeynayaan in sanadkan tirada dalxiisayaasha ee waddanka imaada ay ka sare marto bartilmaameedsiga dowladda oo ah 3 milyan oo qof.
June Chepkemei ayaa dhanka kale sheegtay in dalxiiska gudaha dalka uu kordhay boqolkiiba 10 .
Waxaa la diiwaangeliyay 2.25 milyan oo ah sariirrada ay habeenkii ku seexdaan dalxiisayaasha iyadoo sanadkii hore tiradan ay ahayd 2.06 milyan.




