Dagaalka Ruushka ee dalka Ukraine oo bishii Afaraad galay

0
568

Waxaa hadda muddo Afar bilood ah laga soo joogaa xilligii dowladda Ruushka ay duullaan militari ku qaadday dalka Ukraine.
Howlgallada oo soo billowday 24-kii bishii Labaad ee sanadkan ayaa weli gudaha Ukraine ka socdo.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo la filayo in maalmaha nagu soo aaddan uu Midowga Yurub cunaqabateyn dhanka suuqgeynta shidaalka ah uu ku soo rogo Ruushka sida laga soo xigtay Jarmalka.
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa dhankiisa sheegay in dhibaatada ka taagan Ukraine aynan ahayn mid gobol balse caqabad caalami ah.