Dagaal maanta aagga FeerFeer uu ku dhexmaray Liyuu booliska iyo Al-Shabaab

0
822

Dagaal u dhexeyay Ciidamada Liyuu booliska iyo dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa maanta duhurkii ka dhacay deegaanka Laas-qurun oo aan ka fogeyn xarunta degmada FeerFeer, sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal oo ku sugan Feerfeer.
Ciidamada Liyuu Booliska ayaa la sheegay inay dagaal ku qaadeen dagaalyahannada Shabaab oo kas oo tallaabay dhinaca Soomaaliya.
Rasaasta ayaa la sheegay in laga maqlayo FeerFeer oo qiyaastii 20 kiilomitiri u jirta goobta lagu dagaalamaya oo ah gudaha xadka dalka Itoobiya.
Lama ogo khasaaraha ka dhashay dagaalkan.