Dagaal dhexmaray ciidamada Thailand iyo Cambodia

0
613

Ugu yaraan labo qof oo rayid ah ayaa la xaqiijiyay in ay geeriyoodeen halka labo sarkaal oo ka mid ah ciidamada dalka Thailand ay dhaawacmeen. Tani ayaa timid ka dib markii ay rasaas isweydaarsadeen saraakiisha qalabka sida ee waddankaasi iyo dhiggooda Cambodia.
Waxaa is-rasaaseynta laga soo tabiyay aag lagu muransan yahay oo ku yaalla xuduudda labada dal.
Militariga Thailand ayaa maanta sheegay in ciidamada difaaca ee Cambodia ay rasaas fureen gaar ahaan gobolka Oddar Meanchey halkaasina uu ka socdo dagaal culus.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ilaa 40,000 qof oo ka mid ah shacabka Thailand laga daadgureeyay 86 tuulo oo xiga dhanka xadka.
Wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Cambodia ayaa dhankeeda bayaan ay soo saartay waxay militariga Thailand ku eedeysay inuu weerar ku soo qaaday.