Dadweynaha oo laga codsaday inay soo sheegaan darawaliinta aan taxaddar muujin

0
279

Sii hayaha xilka ku xigeenka taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Cabdalla Komesha ayaa dadka rakaabka ah ugu baaqay inay laamaha ammaanka ku soo wargeliyaan wadayaasha baabuurta ay ku safrayaan ee aan taxaddar muujin.
Komesha ayaa baaqan diray ka dib markii shil ka dhacay ismaamulka Migori ay ku dhinteen toban qof.
Sarkaalkan ayaa dhanka kale darawaliinta iyo dadka isticmaala waddooyinka kula taliyey inay u hoggaansamaan xeerarka taraafikada si looga baaqsado dhacdooyinka shilalka.
Sii hayaha xilka ku xigeenka taliyaha guud ee booliiska ayaa hoosta ka xarriiqay in rakaabka looga baahan yahay inay xirtaan suunka ku dheggan kuraasta sidoo kalena wadayaasha aynan baabuurta ku kaxeyn xawaare ka badan inta loogu talagalay.
Waxaa uu ka digay in baabuurta ay qaadaan rakaab ama xamuul xad-dhaaf ah iyo in baabuurta loo kaxeeya si taxaddar la’aan ah.
Cabdalla Komesha ayaa ka digay adeegsiga baabuurta aan tayo ahaan wanaagsanayn.
Waxaa uu intaasi ku daray in xaaladda guud ee ammaanka wadanka ay tahay mid deggan isagoo shacabka u xaqiijiyey in laamaha ammaanka ay badbaadinayaan nolosha muwaadiniinta iyo hantidooda.