Guddiga arrimaha maaliyadda iyo qorshaynta dhaqaalaha dalka ee baarlamaanka ayaa maanta billaabay inuu dadweynaha fursad u siiyo in ay aragtidooda ka dhiibtaan hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan ee Finance Bill 2024.
Xubnaha guddigan oo uu hoggaaminaya guddoomiyahooda ahna xildhibaanka deegaanka Molo ee ismaamulka Nakuru,Kimani Kuria ayaa wareysan doono saamileyda qaybaha kala duwan ee dhaqaalaha iyo maaliyadda.
Waxaa guddigan ka soo hormuuqanaya ururka shirkadaha wax soo saara ee (KAM), mas’uuliyiinta machadka arrimaha dhaqaalaha , howlwadeennada machadka maaliyadda dadweynaha , ururka xisaabiyaasha ee (ICPAK) iyo kuwo kale.
Waxyaabaha ku xusan hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan ee ay kenyaanka walaaca ka muujinayaan waxaa ka mid ah in canshuur dheeraad ah lagu soo rogaya rootiga.