Dadweynaha oo Isniinta gudbin doono aragtidooda ku aaddan hindisaha maaliyadda

0
348

Guddiga baarlamaanka dalka u qaabilsan arrimaha maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha qaranka ayaa sheegay inuu bulshada ku casuumaya in ay Isniinta soo socoto ee 10-ka bishan Lixaad ay aragtidooda ku soo gudbiyaan madal lagu qaban doono xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi.
Afkaarta dadweynaha ayaa la dhageysan doonaa inta u dhexeysa 9:30 subaxnimo ilaa 5-ta galabnimo.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay xubnaha guddiga maaliyadda ee baarlamaanka hor tagayeen mas’uuliyiinta waaxyaha kala duwan waxaana fursadda ugu dambeysa la siinaya rayidka.
Hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan 2024-ka ee si wayn looga hadal hayo gudaha dalka ayaa waxyaabaha ku xusan waxaa ka mid ah in la kordhiyo canshuurta rootiga .