Waxaa uu qorshuhu yahay in laga billaabo 12-ka duhurnimo ee maanta ilaa 7-da fiidnimo ee caawa in beerta Uhuru Park ee ismaamulka Nairobi lagu qabto munaasabad lagu xusuusanaya dadkii ku dhintay dibadbaxyadii waddanka ka dhacay.
Waxaa la filayaa in madashan ay ka qayb galaan dadka u ololeeya arrimaha bulshada , xuquuqul insaanka iyo maamul wanaagga.
Sidoo kale waxaa ka qayb geli doono siyaasiyiin uu ka mid yahay barasaabka dowlad deegaanka Nairobi Johnson Sakaja iyo fannaaniin.
Maanta oo kale waxay ku beegan tahay xilligii 7-dii bishii Toddobaad ee sanadkii 1990-kii fagaaraha Kamukunji Grounds ee ismaamulka Nairobi lagu qabtay bannaanbax lagu dalbanayay nidaamka xisbiyada badan ee hadda dalka ka jiro.
Waxaa la filayaa in maanta dib loo milicsado halgankii dimuqraadiyadeed ee uu waddanka soo maray.