Dadka Uganda oo u dareeraya codbixinta Madaxweynaha

0
580

Dadka Uganda ayaa codeynaya doorasho loo arko in Madaxweyne Yoweri Museveni uu la tartamayo xiddig fanka ee soo jiidashada leh si uu u dheereeyo xukunkiisa 40-ka sano ah.
Doorashada waa tartan laba faras ah oo u dhexeeya Museveni iyo heesaaga isku beddelay siyaasiga Bobi Wine, laakiin maadaama madaxweynuhu uu ku guuleystay lixdii doorasho ee hore, falanqeeyayaashu waxay sheegayaan inay u badan tahay inuu Mdaxweyne Museveni sii dheereysto waqtigiisa xukunka.
Wine, oo 43 jir ah, ayaa ballanqaaday inuu wax ka qaban doono musuqmaasuqa oo uu soo rogi doono dib-u-habeyn ballaaran, halka Museveni uu ku doodayo inuu yahay qofka kaliya ee damaanad qaadaya xasilloonida iyo horumarka dalka.
Muddada ololaha waxaa hareeyay carqaladeynta dhaqdhaqaaqyada mucaaradka, ciidamada amniga ayaa lagu eedeeyay inay weerareen oo ay xireen taageerayaasha Wine.
Afhayeenka booliiska Kituuma Rusoke ayaa iska fogeeyay cabashooyinkan, isagoo ku eedeeyay taageerayaasha mucaaradka, gaar ahaan kuwa ka tirsan xisbiga Wine ee National Unity Platform NUP, inay yihiin kuwo carqaladeynaya.
Internetka ayaa la joojiyay ka hor maalinta codbixinta, iyadoo Guddiga Isgaarsiinta Uganda uu sheegay in la joojiyay isticmaalka internetka si looga hortago macluumaad khaldan, khiyaanada iyo kicinta rabshadaha ,tallaabadaas oo xafiiska xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay uu cambaareeyay kuna tilmaamay mid aad looga walwalo.