Shakhsiyaadka u ololeeya arrimaha bulshada iyo xuquuqul aadanaha ayaa dalbanaya in baaritaano madax bannaan lagu sameeyo meydad lagu arkay aagga Kware ee deegaanka Embakasi ee ismamaulka Nairobi.
Ururrada isbeddel doonka ee PRWG-K iyo dalladda xurriyadda rayidka ee CFF ayaa baaqan soo saaray.
Waxay sheegeen in marka baaritaannada lagu sameynaya meydadka la helay loo baahan yahay in arrinkaasi ay goobjoog u ahaadaan waaxyo madax bannaan si xaqiiqada loo ogaado.
Tani ayaa ku soo beegmaysa iyadoo madaxweynaha dalka William Ruto uu waaxda dambi baarista waddanka ee DCI-da ku amray in ay baaritaannada dardargeliso si tallaabo sharciyeed looga qaado cidii ka dambeysay dilalka ugu yaraan 11 qof.