Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqul insaanka Kisumu oo ku biirayaa dibadbaxyada dalka ka dhici doono arbacada

0
166

Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqul insaanka ee dowlad deegaanka Kisumu ayaa ku dhawaaqay qorshayaal ay ku qabanayaan mudaaharaad nabadeed Arbacada, oo ku beegan 25-ka bishan Juun si ay u garab istaagaan mudaaharaadyada ay hogaamin doonaan dhalinyarada Gen Z ee dalka oo dhan.
Socodaalkan qorshaysan ayay sheegeen in uu yahay mid lagu dalbanayo isla xisaabtan, cadaaladna loo helo dhibanayaasha ay booliiska u geystaan falalka naxariis darrada ah, iyo sidii loo soo afjari lahaa waxa ay ku tilmaameen caburinta nidaamsan ee dowladda.
Qabanqaabiyaha dibadbaxa Kisumu Will Otiende ayaa ku booriyay dadka deegaanka inay si aad ah isugu soo baxaan, isagoo sheegay in la joogo waqtigii ay muwaadiniintu dalban lahaayeen mustaqbal wanaagsan.
Qabanqaabiyayaasha dibadbaxyada Kisumu ayaa mar horeba ogaysiiyay booliiska ulajeedkooda waxayna la wadaageen dariiqa mudaharaadka ee qorshaysan.