Dadka shaqeeya oo laga jari doono boqolkiiba 1.5 ee mushaarka

0
316

Waxaa uu qorshuhu yahay in laga billaabo bisha Toddobaad ee sanadkan dadka shaqeeya bil waliba laga jaro boqolkiiba 1.5 ee mushaarkooda si lacagtan loogu biiriyo sanduuqa guriyeynta ee dowladda dhexe.
Xildhibaannada baarlamaanka ayaa xalay arrinkan ku ansixiyay cod aqlabiyad leh.
Waxaa qodobkan codkooda ku taageeray 184 mudanayaal ah halka ay ka soo horjeesteen 72 kale.
Sidoo kale shirkadaha loo shaqeeya ayaa laga doonaya inay dhaqaalahan ku kabaan boqolkiiba 1.5.
Dowladda ayaa doonaysa inay lacagahan u adeegsato inay ku dhisto guriyo tayo leh oo ay kenyaanka ku degi karaan qiimo ay awoodaan si meesha looga saaro xaafadaha isku raranta ah.