Shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ayaa sheegtay in tirada macaamiisha ee bil kasta isticmaalo adeegga lacagaha la isugu diro ee M-PESA ay tahay in ka badan 30 milyan oo qof.
Tani ayaa imaanaysa maalmo un ka dib markii Safaricom ay u dabbaal degtay sanadguuradii 15-aad ee ka soo wareegatay markii la aasaaday adeeggan oo ku beegnayd 6-dii bishii Saddexaad ee sanadkii 2007-dii.
Macaamiisha isticmaalo M-pesa ayaa badankoodu waxay ku nool yihiin Kenya halka in ka badan 20 milyan oo kale ay ku nool yihiin waddamada Tanzania, Congo , Mozambique, Lesotho, Ghana iyo Masar sida uu tilmaamayo bayaanka Safaricom.
Madaxa fulinta ee shirkaddan Peter Ndegwa ayaa sheegay inay ka go’an tahay sii wadidda adeegyada la jaanqaadaya hal-abuurka tiknolojiyadeed ee ay macaamiishooda u fidiyaan.