Dad yar oo u soo baxay doorashada Tunisia

0
353

Waxaa dalka Tunisia ka dhacday afti wax looga beddelaya dastuurka wadankaasi.
Arrintan ayaa waxaa riixaya madaxweyne Kais Saciid.
Boqolkiiba 25 ee shacabka Tunisia ayaa u soo baxay ka qayb galka aftida sida laga soo xigtay guddiga doorashooyinka.
Aftidan ayaa imaaneysa sanad ka dib markii madaxweynaha dalkaasi Kais Saciid uu shaqada ka eryay xukuumadii, uuna kala diray baarlamaanka dalkaasi, taas oo mucaaradku ku tilmaameen afgambi.