Lix qof oo dalka Ghana u dhashay ayna ku jiraan saddex ka mid ah ciidamada milateriga wadankaasi ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, ka dib markii lagu helay inay ka qayb qaateen afgambigii dhicisoobay ee saddex sano ka hor wadankaasi ka dhacay.
Waxaa jiray ciidamo fara badan oo la geeyay bannaanka maxkamadda sare ee caasimadda Accra intii uu socday xukunka oo dhacay maalin ka hor.
Kiiskan taariikhiga ah ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee khiyaano qaran ah oo Ghana lagu qaado tan iyo 1966-kii, waana sanadkii la afgambiyay madaxbannaanidii ka dib madaxweynihii dalkaasi Kwame Nkrumah.
Shakhsiyaadkan, ayaa la qabtay sanadkii 2021-kii, xilli ay hub ku tijaabinayeen magaalada caasimadda ah ee Accra, iyadoo lagu eedeyay inay damacsanaayeen inay afgambiyaan dowladda, waxaana la xukumay ka dib markii ay muddo soo jiitamaysay dacwadooda.