Inta la xaqiijiyay afar qof oo rayid ah ayaa ku dhimatay, miino ku qaraxday mooto bajaaj ah oo ay saarnaayeen oo maraysay duleedka magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe.
Taliyaha Booliska Jowhar Bashiir Xasan Xalfooy ayaa warbaahinta u sheegay, in afarta qof ee dhimatay ay dhamMaantood ahayeen dad rayid ah oo ku socdaalayay tuulada Xaanshooley oo qiyaastii 7 km u jirta magaalada Jowhar.
Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa miino ee ay ku dhinteen dadka rayidka ah, waxaase aalaaba Jowhar iyo deegaannada ku xeeran miinooyinka galiya ururka Al-Shabaab oo bartilmaameedsada ciidamada dowladda iyo kuwa midowga afrika ee gobolka jooga.




