Dad careysan oo nin loo haysto dil ku gubay ismaamulka Nandi

0
380

Kumanaan qof oo careysan ayaa magaalada Tinderet ee ismaamulka Nandi weerareen xarunta booliiska ee Chemase.
Waxay halkaasi ka soo siidaayeen eedeysane lala xiriirinayo dil, ka hor inta aynan dhagax ku dilin ka dibna gubin jirkiisa.
Eedeysanaha oo magaciisa lagu sheegay Victor Kimutai oo ah 30 sano jir ah ayaa loo haystay dil si arxaan darro ah loogu gaystay nin 38 sano jir ahaa, kaasi oo meydkiisa la helay isagoo la jarjaray.
Taliyaha booliiska ee deegaanka Tinderet Johnson Mwariga, ayaa sheegay in tuhmanaha uu qirtay inuu dambiga galay.
Waxaa uu xita dambi baarayaasha geeyay goobta uu ku qariyay madaxa qofkii la dilay iyo xubnaha kale ee jirkiisa.
Dhacdadan ayaa la sheegay inay ka careysiisay in ka badan 3,000 oo dadka deegaanka ah, taasoo keentay inay xoog ku galaan saldhigga booliiska iyagoo dalbanaya in xabsiga laga sii daayo eedeysanaha.
Markii ay booliiska ka gaabsadeen in ay u hoggaansamaan dalabaadkooda, ayay dadweynaha si awood ah tuhmanaha uga soo saareen xabsiga ka dib markii ay ka taag-roonaadeen saraakiisha ammanaka.
Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa cambaareeyay falkaasi, wuxuuna shacabka uga digay inay sharciga gacmahooda ku fuliyaan.