Dad burcadnimo looga shakisan yahay oo lagu qabtay Shauri Moyo

0
327

Saraakiisha booliiska ee xaafadda Shauri Moyo ee ismaamulka Nairobi ayaa gacanta ku dhigay labo qof oo lagu tuhmayo dhaca dadweynaha.
Tani ayaa timid ka dib markii ay ciidamada howlgal ka sameeyeen dhisme ku yaalla waddada Majengo- Digo Road.
Adeegga qaran ee booliiska ee (NPS) ayaa sheegay in saraakiisha ay howlgalka ku soo heleen 46 ka mid ah taleefoonnada gacanta oo la rumeysan yahay in horay loo xaday.
Tuhmanayaasha ayaa hadda xabsiga ku jira oo maraya baaritaano dheeraad ah ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.