Shil shalay ka dhacay isgoyska Mamboleo ee magaalada Kisumu ayaa waxay dhaawacyo culus ka soo gaareen 6 ruux.
Tani ayaa timid ka dib markii darawalka uu xakameyn waayay bas ay dadkan saarnaayeen.
Dhaawacyadan ayaa ah kuwo culus waxaana jiro ilaa 30 qof oo kale oo ay soo gaareen dhaawacyo fudud .
Dhaawaca ayaa hadda lagu daaweynaya isbitaalka Jaramogi Oginga Odinga Teaching and Referral Hospital (JOOTRH).
Baska shilka galay oo ay leedahay shirkadda basaska ee Greenline ayaa ka soo ambabaxay ismaamulka Kakamega waxaa uuna ku soo wajahnaa Nairobi.
Shilka ayaa dhacay abaare 10-kii barqannimo ee maanta.
Janet Otieno oo ka mid ah rakaabka ayaa sheegtay in darawalka uu baabuurka si xowli ah u kaxeynayay ka hor inta uunan gaariga rogman.