Dacwadda ka dhanka ah Zuma oo dib u billaabatay

0
436

Waxaa dib u billowday dhageysiga dacwad la xiriirta musuqmaasuqa oo uu wajahaya madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma ka dib rabshadihii wadankaasi ka dhacay.
Rabshadaha waxaa sameynayay shakhsiyaad ka soo horjeedo xukun 15 bilood ah oo lagu riday mas’uulkan hore.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Jacob Zuma uu maanta qaab fogaan arag ah uga qayb galay dacwadda oo ka socoto maxkamadda sare ee magaalada Pietermaritzburg ee gobolka KwaZulu-Natal.
Waxaa uu wajahayaa ilaa 16 dacwadood oo ku saabsan dembiyo la rumeysan yahay inuu galay intii uu xilka hayay.