Dacwad oogayaasha Boqortooyada Ingiriiska ayaa nin ku soo oogay dacwad ah isku day dil ka dib markii uu dad badan mindi ku dhaawacay.
Weerarkan oo dhacay Sabtidii ayaa lagu qaaday adeegga tareenada ee u socday London ,waxaana ku dhaawacmay 11 rakaab ah oo ay ku jiraan labo qof oo ay xaaladoodu halis tahay.
Tuhmanaha ayaa la xiray markii tareenku uu si degdeg ah u istaagay magaalada Huntingdon ee bariga Ingiriiska.




