Waxaa maxkamadda Milimani ee magaaladatani Nairobi loo gudbiyay dacwad uu Okiya Omtatah oo ka mid ah shakhsiyaadka u ololeeya xuquuqul aadanaha iyo arrimaha bulshada uu ku doonayo inuu xafiiska baneeyo madaxweyne ku xigeenka wadanka William Ruto.
Omtatah ayaa dalbanaya in Ruto uu is casilo ka hor isreebreebka xisbiyada siyaasadeed ee la qabanayo ka hor doorashada guud ee bisha siddeedaad.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in sarkaal haya xil hoggaan sida madaxweynaha ,madaxweyne ku xigeenka , barasaabka ismaamulka ama ku xigeenkiisa aan loo soo xulan karin musharrax madaxweyne ahaan.
Haddii uu Okiya Omtatah maxkamadda ka dhaadhiciyo doodiisa waxay madaxweyne ku xigeenka wadanka iyo shaqaalaha kale ee dowladda dantu ku khasbi doontaa inay is casilaan ugu yaraan afar bilood ka hor xilliga doorashada guud.