Waxaa maxkamadda loo gudbiyay dacwad lagu doonaya in guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetangula lagu amro inuu dib ugu yeero xildhibaannada fasaxa ku jira.
Ujeeddada laga leeyahay arrintan ayaa ah in golaha uu dhameystiro geeddisocodka dhanka sharciga ee la xiriira hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan ee Finance Bill 2024.
Kennedy Wanyanga ayaa sidoo kale codsanaya in maxkamadda ay fasirto taladii ka timid madaxweynaha waddanka William Ruto ee uu ku diiday ansixinta qorshahan oo uuna dib ugu celiyay baarlamaanka isagoo soo jeediyay in qodobbada qaar la tiro.
Waxaa Kennedy dacwadda ku matalaya qareenkiisa Arnold Oginga.