Dacwad la xiriirta xil ka qaadistii barasaabka Kericho oo socoto maalinkii labaad

0
199

Senatarrada aqalka sare ee dalka ayaa maalinkii labaad dhageysanaya dacwad la xiriirta xil ka qaadistii ay wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Kericho ay dhawaan ku sameeyeen barasaabka dowlad deegaankaasi Dr. Erick Mutai.
Waxay ku eedeyeen inuu si khaldan u adeegsaday awooddiisa xafiiseed oo uu ku xadgudbay dastuurka.
Wakiillada ayaa hoosta ka xarriiqay in ay jireen qandaraasyo la bixiyay iyadoo aan la marin hab-raaca habboon.
Barasaabka ayaa sidoo kale lagu eedeyay inuu sabab la’aan shaqooyinka ka joojiyay ugu yaraan 10 wasiirro ah, 6 ah saraakiisha sare ee waaxyaha , labo qof oo ah madaxa shaqaalaha iyo mas’uuliyiin sare oo kale.
Waxay intaasi ku dareen inuu cabsi geliyo shaqaalaha ismaamulka Kericho sidoo kalena uu kicin ka dhex abuuro shacabka .
Hasa ahaate, barasaabka ismaamulka Kericho Dr. Eric Mutai ayaa iska fogeeyay dhammaan eedeymaha loo jeediyay wuxuuna xil ka qaadistiisa ku micneeyay mid siyaasadeysan.