Waxaa la filayaa in maalinta Jimcada ee toddobaadkan ay maxkamadda go’aan ka soo saarto dacwad ka dhan ah senatarka ismaamulka Nairobi sidoo kalena ah musharraxa xilka barasaabnimo ee caasimadda dalka ee xisbiga UDA Johnson Sakaja.
Dacwadda ayaa ku saabsan muran la geliyay shahaadada jaamacadeed ee Sakaja.
Senatarka ayaa shakhsiga kiiska ka gudbiyay ku tilmaamay cid la adeegsanaya si loo carqaladeeyo hammigiisa siyaasadeed.
Sakaja ayaa sheegay inuu sanadkii 2016-kii ka qalin jabiyay jaamacadda Team ee dalka Uganda hasa ahaate waxaa taasi tuhun geliyay guddiga tacliinta sare ee dalka.




