Dacwad ka dhan ah ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan oo ka soconaysa xabsiga dhexdiisa

0
210

Maxkamad ku taalla dalka Pakistan ayaa amartay in la furo dacwad uu wajahaya Ra’iisul Wasaarihii hore ee wadankaasi Imran Khan taasoo ka dhex soconaysa xabsiga uu ku jiro.
Waxaa dacwadda si dhow ula soconaya xubnaha qoyskiisa iyo bulshada.
Maxkamad gaar ah oo ku taalla magaalada Islamabad ayaa maanta go’aankan soo saartay.
Garsoore Abual Hasnat Zulqarnain ayaa sheegay in shan ka mid ah xubnaha qoyska Khan iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Shah Mehmood Qureshi oo eedeysane ah , qaybaha bulshada iyo warbaahinta loo oggolaanaya inay la socdaan dacwadda oo Jimcaha billaabanaysa.
Imran Khan ayaa wajahaya dacwad la xiriirta inuu dusiyay siraha qarankaasi.
Dhageysiga kiisaskan ayaa lagu qaban doonaa dhismaha uu ku yaalla xabsiga Adiala Jail oo masaafo dhan 34 kiilomitir u jirta caasimadda Pakistan.
Imran Khan ayaa xabsigaasi ku jiray tan iyo dhammaadkii bishii Sagalaad ee sanadkan.