Dacwad ka dhan ah maxkamadeynta maareeyaha miisaaniyadda dowladda oo la gudbiyay

0
236

Waxaa maxkamadda dacwad u gudbiyay xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Galbeedka Mugirango ee ismaamulka Nyamira ,Stephen Mogaka .
Waxaa uu ka soo horjeedaa tallaabadii lagu xiray ka dibna maxkamadda Mombasa lagu soo taagay maareeyaha miisaaniyadda dowladda ,Margaret Nyakang’o.
Xildhibaanka ayaa doonaya in dacwaddan ay ka soo jawaabaan waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da iyo midda dacwad oogidda.
Waxaa uu ku doodaya in xarigga iyo maxkamadeynta Nyakang’o ay xadgudub ku tahay xuquuqdeeda.
Warqadaha uu maxkamadda u gudbiyay waxaa ku cad inuu doonayo in taliyaha guud ee booliiska dalka, waaxda dambi baarista ee DCI-da iyo waaxda dacwad oogidda laga hor istaago inay baaritaano ku sameeyaan oo ay dacwado ku soo oogaan haweeneydan.
Margaret Nyakang’o iyo 11 eedeysanayaal oo kale ayaa wajahaya dacwad soo billaabatay sanadkii 2016-kii.
Waxaa loo haystaa in iyadoo adeegsanaysa urur maalgashi oo aan lahayn shati rasmi ah ay qof ka dhacday 29 milyan oo shilin.
Hasa ahaate eedeyntaasi ayay iska fogeysay waxayna maxkamadda Mombasa Talaadadii ku siidaysay damaanad lacageed oo ah 500,000 oo shilin iyadoo dacwaddan ay mar kale maxkamadda soo qaadi doonto 13-ka bishan Diseembar.